Dhaawacyo culus oo la keenay Garoowe kadib markii gaari la dhacay

Guddoomiyaha tuulada Dalsan ee gobolka Nugaal oo dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in laba ruux dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Dalsan iyo Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha oo lagu magacaabo, Siciid Maxamed Siciid ayaa sheegay in gaariga shilka galay uu siday 5 ruux  oo ka kooban 4 qof oo walaalo ah iyo hooyadood oo ay ka keeneen degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasoo lagu soo kabay, kadib markii ay jabtay.

Qoyskan ayaa shilka galay, xilli ay ku socdeen magaalada Garoowe, kadib markii uu laamiga kala baxay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, waxaana halkaasi ku dhaawacmay  hooyadii carruurta dhashay iyo hal gabar, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha Dalsan.

Saddexdii qof oo kale ayaa ka badbaaday shilka, waxaana hooyadii da’da ahayd iyo gabadhii oo dhaawacyo culus qaba loola soo cararay isbitaalka  magaalada Garoowe oo haatan lagu dabiibayo.

PUNTLAND POST