Baarlamanka Puntland oo guddiya xaqiiqa-raadina u saaray arrimaha kufsiga

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Dhoobo

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada dowladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa isku raacay  in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kufsiga ku soo badanaya degaannada Puntland,si go’aanno masiiriya looga soo saaro.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) guddoomiyaha golaha wakiilada, ayaa guddiyada qaabilsan xuquuqul-insaanka iyo caddaaladda ee Baarlamanka Puntland lagu amray in ay baaritaan dhab ah ku sameeyan arrimaha kufsiga,si go’aanno looga soo saaro.

Sidoo kale ,waxaa kulanka looga hadlay arrimaha amniga iyo abaaraha baahsan ee laga soo sheegayo degaanno kamid ah Puntland, sida uu sheegay xoghayaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Xiddig warsame.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST