Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah ku yeelanaya Muqdisho

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta oo sabti ah in ay kulan ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulankaasi oo ah mid xasaasi ah ayaa lagu wadaa in xildhibaanada ay kaga doodaan amniga dalka.

Xildhibaanada ayaa loo diray fariimo ah in kulanka maanta uu jiro.

Wariyaasha ayaa loo ogolaaday in kulanka maanta ay ka qeeybgalaan sidoo kale kulankaasi kama soo qeeybgali doonaan madaxda amniga oo Baarlamaanka ay u yeereen hayeeshee maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in kulanka ay ka qeeybgalaan warbaahintana ay dibad joog ka noqon doonto.

Horay ayuu u baaqday kulankaan la doonayay in diirada lagu saaro amni darada dalka ka jirta.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana la si xiray wadooyinka u dhow xarunta Baarlamaanka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho