Kenya oo Soomaaliya ka Baadi goobeeyso dhaqaatiir la afduubtay

Dowlada kenya ayaa sheegtay in ay bilaabeeyso howlgal balaaran oo lagu baadigoobayo labo dhaqaatiir ah oo dhashay dalka Cuba oo shalay Mandheere lagu afduubay.

Waxa uu sheegay in ciidamo aad u badan ay ku daad gureeyn doonaan xadka Soomaaliya uu la wadaago kenya.

Afhayeenka Booliska dalka Kenya Charles Owino oo la hadlay wariyaasha Kenya ayaa waxa uu sheegay in taqaariirtaasi lagu hayo dalka Soomaaliya.

Shalay oo jimco aheyd koox hubeeysan ayaa labo dhaqtar oo u dhashay wadanka Cuba waxa ay ka afduubteen magaalada Mandheere iyaga oo toogtay askari u dhashay Kenya oo ilaalo u ahaa .

Ugu dambeeyntii ciidamada amaanka ayaa xiray darawalkii gaariga ku waday dhaqaatiirta si ay wax uga weeydiin falkaasi dhacay.

Puntland Post