Dibad baxyo Rabshado wato oo ka socdo Muqdisho

Dibad baxyo rabshado wato ayaa hadda ka soconayo magaalada Muqdisho.

Dibad baxyadaan ayaa waxaa dhigaya dhalinyarada Mooto Bajaajta kuwaasi oo ka careeysan dil askari katirsan Booliska uu u geeystay wada Bajaaj.

Dhalinyarada ayaa xertay isgooyska Howlwadaag ee Muqdisho.

Banaanbaxaan ayaa geeystay qasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dhalinyarada in ay is dajiyaan oo ay joojiyaan dibad baxyada.

Baryihii ugu dambeeysay beegsiga dhalinyarada Bajaajta kaxeeysa ayaa ku soo badanayay Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho