Munaasabada Asaaska ciidamada xooga dalka oo lagu qabanayo Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya ayaa maanta lagu qabanayaa munaasabada asaaska ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo waqtigeedii laga soo hormariyay.

Asaaska ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa ku beegneyd 12-kii April sanadkii 1960 waxaana laga joogaa 59 Sano.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qey bgalaya munaasabadaasi oo maanta ka dhaceysa Muqdisho.

Waxaa la xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Milatariga ayaa lagu arkayaa wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo soo hormariyay munaasabada 12-ka April oo lagu waday in bari la qabto.

PUNTLAND POST