Gaari dad rayid ah ay saarnaayeen oo lagu rasaaseeyay duleedka Afgooye

Wararka saaka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in gaari dad rayid ah ay saarnaayeen koox hubeeysan ay ku rasaaseeyeen duleedka degmada Afgooye.

Koox burcad ah iyo darawalka gaadiidka waday ayaa muran ku aadan dhiibista lacago baad ah dhexmartay ugu dambeeyntii kooxda aayaarasaas ku furtay gaariga.

3 qof ayaa geeriyootay tiro intaasi ka badan waa ay ku dhaawacmeen.

Falkaasi ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Bariise oo dhaca duleedka deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Sh,Hoose.

Dadka dhaawacmay ayaa loo soo qaaday dhaawacoodii degmada Afgooye oo hadda lagu dabiibayo.

Kooxaha burcada ah ee dhibaateeya dadka safarka ah aayaabaryihii ugu dambeeysay ku soo badanayay gobolka Sh,Hoose.

Puntland Post