
Maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday, eedaysane lagu magacaabo, Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi Axmed, kadib markii lagu helay in uu kufsaday gabar 9 sano jir ah oo magaceeda lagu sheegay, Farax Jaamac Faarax.
Sidoo kale, Eedaysane Mukhtaar ayaa lagu xukumay in uu bixiyo $5000 Dollar oo magdhow loo siinayo gabadha uu kufsaday, taasi oo maxkamaddu sheegtay in ay u dhiganto meher, maadaama uu gabarnimadeeda waxyeelay.
Maxkamadda ayaa caddaysay in Mukhtaar uu la noolyahay cudurka HIV/AIDS, uuna dawo ka qaadan jiray xarumaha caafimaadka.
Xukmanaha ayaa haysta mudda 30 cisha oo uu rafcaan ku qaadan karo, sida ay sheegtay maxkmadda.



PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar