Faahfaahin: Qaraxii Boosaaso

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa qarax caawa fiidkii magaalada Boosaaso lagu la eegtay ciidamada ammaanka Puntland.

Qaraxa oo ka dhashay miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lala beegsaday gaari ciidan (Cabdi-bile) oo hor socday gaari uu saarnaa Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Bari Xuseen Cali Maxamed, kaas oo marayay bartamaha magaalada gaar ahaan aaga Hotel Al-Nakhiil.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid xaafadaha magaalada Boosaaso waxaa xigay rasaas sida la sheegay ka kala dhaceysay labo jiho.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Boosaaso ayaa u sheegay PUNTLAND POST in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 7 askari oo saarnaa gaariga qaraxa lala beegsaday iyo dad shacab ah oo wadada marayay oo aan tiradooda ilaa iyo hadda la xaqiijin.

Sidoo kale warar ay heshay PUNTLAND POST ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Boosaaso ay fashiliyeen labo qarax oo kale oo goobta la dhigay.

Ilaa iyo hadda ma jirto faahfaahin ka soo baxday hay’adaha ammaanka gobolka Bari oo looga hadlay qaraxan.

Weerarada ka dhaca magaalada Boosaaso waxaa inta badan sheegta kooxaha taageersan Daacish iyo Al-shabaab ee ku dhuumaalaysta buuralayda gobolka Bari.

Qaraxan ayaa ku soo aaday iyadoo ammaanka Boosaaso uu muddooyinkii dambe soo hagaagayay, tan iyo intii uu magaalada ka bilaamay howlgal uu hogaaminayay Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa horey u balan-qaaday in ay wax weyn ka qabanayso amniga Puntland, gaar ahaan kan gobolka Bari oo sanadihii udambeeyay xumaa.

PUNTLAND POST