Wararka laga helayo magaalada Khartoum ee xarunta waddanka Suudaan ayaa soo sheegaya in saraakiil ka tirsan militariga dalkaasi ay madaxweynaha Cumar Xasssan Al-bashiir ku wargeliyeen in uusan madaxweyne sii ahaan Karin waxaana saraakiisha ciidamada qalabka sida ay saaka oo khamiis ah sheegeen in ay mar dhow soo saarayaan bayaan muhiim ah iyadoo gaadiidka dagaalku ay ku gedaaman yihiin xarunta madaxtooyada.
Wararka ayaa sheegaya in ay kulmeen saraakiisha militariga oo uusan wehelin madaxweyne Al-bashiir iyadoo ciidamadu la wareegeen xarumaha Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka islamarkaana ay soo baxayaan warar sheegaya in ay awooodda dalka ay qabsadeen.
Boqollaal shacab ah oo ku dhawaaaya “ ha dhacdo ha dhacdo” ayaa haaatan waddooyinka magaalada Khartoum soo buuxiyay kadib markii lagu wargeliayy in ciidamadu awoodda la wareegayaan waxaana gebi ahaanba la xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Khartoum.
Sidoo kale waxaa la sheegaya in la xiray Sarreeye Gaas Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo kamid ahaa saraakiisha sare ee ciidamada militariga ee ka agdhowaa madaxweyne Cumar Xassan Al-bashiir.
Dhacdooyinkaasi ayaa ku soo beegmaya kadib 3 bilood oo dibad-baxyo joogtaa oo lagu dalbanayey in uu xukunka ka dego madaxweynaha waddanka Suudaan Cumar Al-bashiir.
Wixii soo kordha kala soco Puntland post