Wasiirka difaaca dalka Suudaan, Awad Mohamed Ahmed Ibn Auf ayaa akhriyay bayaanka kowaad ee ka soo baxay ciidamada militariga dalkaasi, isagoo ku dhawaaqay in la riday madaxweyne Al-bashir, dastuurkii waddankana la laalay.
Ibn Auf ayaa sheegay in la xiray madaxweynihii xilka laga tuuray Omar al-Bashir, islamarkaana dalka la gelinayo 3 bilood oo xaalad deg dega ah, isagoo xusay in la dhisay guddi si ku meel gaar ah dalka u sii maamuli doona mudda 2 sano ah.
Sidoo kale wuxuu iclaamiyay in la xiray dhammaan garoomada diyaaradaha iyo meelaha kale ee laga soo galo dalka.
Waxaa kale oo uu sheegay in la sii daynayo dhammaan maxaabiista siyaasadda u xiran eek u jira xabsiyada waddanka, lana ilaalin doono xuquuqda banii’aadamka iyo sharafta muwaaddiniinta.
Madaxweynaha xilka laga tuuray, Omar al-Bashir oo da’diisu tahay 75 sano jir ayaa dalkaasi maamulayay mudda 30 sano ah, kadib markii uu inqilaab ku qabsaday sannadkii 1989.
Hayeeshee dibad-baxyo lagu dalbanayo in uu xilka isaga dego ayaa waddanka ka bilowday bishii December ee sannadkii hore iyadoo tan iyo wakhtigaasi ay socdeen dibax-baxayada rabshadaha wata oo sii xoogaysanayey.
PUNTLAND POST