Shirka Afhayeennada Baarlamanka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed oo mudda saddex maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa galabta soo xirmay.
War-murtiyeed ka kooban 17 qodob oo laga soo saaray shirka, ayaa lagu go’aamiyay in kulan wadajir ah lala yeesho deeq-biyaasha taageera heerarka kala duwan ee golayaasha xeer-dejinta dalka, waxaana deeq-bixiyaasha loogu baaqay in ay kordhiyaan dhaqaalaha ay soo mariyaan hay’adaha caalamiga ah ee kaalmeeya golayaasha xeer-dejinta dalka.
Sidoo kale, golayaasha xeer-dejinta ee Garoowe ku shiray, ayaa xukuumadda Federaalka soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay derder geliyaan dhammaystirka arrimaha ka dhiman Federaaleynta dalka.
War-murtiyeedka shirka ayaa dhanka kale walaac loogu muujiyay, habacsanaan iyo khilaaf ay sheegeen in uu ku timid labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo shirku isku raacay in la xalliyo khilaafka u dhexeeya labada gole.
Gunaanadkii war-murtiyeedka ayaa la soo jeediyay in gebi ahaanba Dastuurka dalka ee dib u-habeyntu ku socoto laga saaro kalmadda “Sharci-dejin” ee loo adeegsado Baarlamanka, islamarkaana kalmadda loo beddelo “Xeer-dejin”.
Shirka Af-hayeennada golayaasha xeer-dejinta heer Federaal iyo dowlad goboleed ee Garoowe ka qabsoomay, ayaa waxan lagu casumin Baarlamanka Galmudug oo la sheegay in khilaaf ka dhexeeyo, sidaasi darteedna dhinac la casumo la garan waayey.
PUNTLAND POST