Ra’iisul wasaare Kheyre oo magacaabay saddax Wasiir

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow magacaabay xubno kamid ah golahiisa wasiirada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa buuxiyay qaar kamid ah boosas kabanaanaa xukuumada.

Wasiirka 1-aad ayaa uu u magacaabay Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac,

Sidoo kale Sadiiq Warfaa ayaa loo magacaabay wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

Ugu dambeeyntii Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa loo magacaabay wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho