Hadal ka soo yeeray wasiir Goodax oo buuq badan dhaliyay

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo kamid ah golaha shacabka ahna Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda federaalka ah ee Soomaliya ayaa sheegay in xildhibaanadda diidan qabsoomidda kulamadda Baarlamaanka in ay u adeegaan Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in kulankii baarlamanka ee shalay uu ahaa mid xasaasi ah,islamarkaana Xildhibaanadda Baarlamaanka looga baahnaa in ay dhageystaan warbixinta wasiirada iyo Taliyayaasha ciidamadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaanadii foodada ka sameeyay kulanka Golaha shacabka ay ahaayeen Wakiilo Al-shabaab u jooga Baarlamaanka.

”Wakiilo Shabaab ayaa Baarlamaanka soo dhax galay, Shabaabku waxa uu rabay in foodo ka dhacdo Baarlamaanka, waxaana u sahlay dad sheeganaya in Xildhibaano yihiin ficilkooduna Shabaabku u adeego, dadka foodada ku wada waa kuwa Shabaab u shaqeeya oo doonaya in halkan fariin uga diraan, waxaana leeyahay shacabka kuwaas wajiyadooda barta” ayuu yiri Goodax Barre.

Dhinaca kale Xildhibaan Yuusuf Gama-diid oo si gaar ah wasiir Goodax Barre uu ku sheegay in Al-shabaab uu yahay, ayaa wacad ku maray in Maxkamad uu la tiigsan doono Goodax.

Waxaa uu sheegay in isaga oo xildhibaan Qaran ah in lagu tilmaamo Al-shabaab.

Dhinaca kale xildhibaane kale oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka soo horjeeystay hadalkaasi ka soo yeeray wasiir Goodax iyaga oo ku tilmaamay mid aan la qaadan karin.

Khilaaf ayaa ka dhexjira Baarlamaanka Soomaaliya oo ku saabsan in saxaafada ay kulanka goobjoog ka ahaato iyo in dibada loo saaro.

Puntland Post