Maxaa ku cusbaa Khudbaddii Siciid Deni?

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo Sabtida maanta khudbad dhinacyo badan ka jeediyay, jaamacad ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa ka hadlay qorshaha xukuumaddiisa ee arrimaha amniga, garsoorka, waxabarashada, caafimaadka, dhaqaalaha & maal-geshiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo qodoba kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay u diyaarsan yihiin, qorshayaal ka kooban lixdan iyo lix qodob oo lagu horumarinayo degaannada Puntland dhammaan dhinacyada amniga, hagaajinta garsoorka, arrimaha bulshada, dhaqaalaha & maal-geshiga, hirgelinta barnaamijka xisbiyada badan, la’dagaallanka musuq maasuqa, bixinta mushaharaadka iyo adeegyada kale ee as’aasiga ah.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa sheegay in uu xiriirro badan la sameeyay dalalka iyo hay’adaha caalamka, si ay Puntland uga gacan-siiyaan qorshaha horumarinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga ee u diyaarsan xukuumaddiisa.

Safiirka Maraykanka oo dhowaan booqday magaalada Boosaaso, iyo wefdi ay hoggaaminayso safiirka Jarmalka oo maalinta berriya booqanaya caasimadda Garoowe, ayaa madaxweynuhu tusaale u soo qaatay in ay qeyb ka yihiin qorshaha xukuumaddiisu ay indhaha caalamka ugu soo jeedinayso horumarinta Puntland.

Mar uu ka hadlayay go’aanka xukuumaddiisa ee ku aaddan heshiiska ballaarinta dekedda Boosaaso oo shirkadda DP World hore ula gashay Puntland, ayuu sheegay in go’aankaasi ku xiranyahay, kadib markii ay la fadhiistaan cidda heshiiska lala galay.

Waxaase uu xusay in ay marwalba danaha Puntland ay ka eegayaan heshiis kasta oo la gelay iyo kan la geli doonaba, balse ay ixtiraamayaan heshiisyada xukuumaddii ka horreysay gashay ee qaanuuniga ah sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dilkii Paul Anthony Formosa oo ahaa, madaxa shirkadda P&O Ports uu dhibaato weyn  gaarsiiyay sumcadda Puntland, isagoo tusaale u qaatay mashruuc ay wadday dowladda Talyaaniga oo biya-gelin loogu samayn lahaa magaalada Boosaaso, ha’yeshee la hakiyay kadib dilkii sarkaalkaasi.

Halkaan ka daawo dhammaan

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar