Kulankii xasaasiga ahaa ee Baarlamaanka oo furmay iyo gudoomiyaha oo codsaday in albaabada loo xiro

Waxaa goordhow furmay kulanka 3-aad Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta oo Sabti ah loo balansanaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulanka shir guddoominaya, waxaana xaadir ah oo kulanka uu ku furmay 164 mudane.

Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista amniga Qaranka iyo su’aalo weydiinta xildhibanaada lamaaha amniga dalka.

Waxaana goobta ku sugan Wasiirka amniga, wasiirka gaashaandhiga, taliyaasha ciidamada Milatariga, Booliska iyo Asluubta, hayeeshee kulanka ilaa iyo hadda waxaan soo xaadirin ku simaha taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Maauuliyiintaasi ayaa gudoonka ka codsaday in saxaafada dibada looga saaro kulanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in kulanka uu noqdo mid albaabada u xiranyihiin.

Buuq iyo sawaxan ayaa ka dhashay go’aankaasi iyada oo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka soo horjeeysteen in saxaafada dibada loo saaro.

Ugu dambeeyntii cod ayaa loo qaaday in saxaafada ay kulanka joogto iyo in laga saaro.

104 Xildhibaan ayaa u codeysay inay baxaan, halka 42 ay u codeeyeen inay joogaan sidoo kalena 20 xildhibaan ayaa ka aamustay.

Sidaasi ayaana saxaafada kulankii looga saaray banaanka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho