Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo Baaqday

Waxaa goordhow baaqday kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu waday in looga hadlo amniga.

Xildhibaano badan ayaa kursigoodii kasoo kacay iyaga oo gudoonka Baarlamaanka ku hor buuqayay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Amb. Maxamed Mursal Sheekh Cabdirxmaan ayaa ku dhawaaqay in kulankii maanta uu baaqday sababo khilaaf hareeyay.

Khilaaf ayaa hareeyay kulankaasi oo ka dhashay kadib markii saxaafada dibada looga saaray kulankaasi.

Puntland Post, Muqdisho