
Madaxweynaha dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay lataliyihiisa dhanka haweenka iyo arimaha bulshada.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska Siciid Deni ayaa la’taliyaha madaxweynaha ee haweenka iyo arrimaha bulshada loogu magacaabay Laylo Cabdi Cartan oo hore uga soo shaqeysay saxaafadda Puntland.
Layla ayaa ah haweeneydii u horraysay ee xil agaasime ka qabata warbaahinta degaannada Puntland iyadoo agaasime ka soo noqotay idaacadda Daljir.
Sidoo kale waxay ka soo shaqeysay madaxtooyada Soomaaliya xilligii xukuumaddii Cabdullaahi Yusuf Axmed
PUNTLAND POST