Golaha wasiirada oo kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Muqdisho

MGolaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay Muqdisho ku yeesheen Kulan aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda amniga dalka.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa warbixin looga dhagaystay guddiga amniga ee dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u magacaabay in ay kasoo talo bixiyaan qorshaha sugidda amniga Caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiiska Caymiska ee ay wada galeen dawladda Soomaaliya iyo Hay’adda Damaanadda Darafyada Badan (MIGA.

Maanta ayaa lagu wadaa in wasiirka amniga uu hortago Baarlamaanka Soomaaliya.

Puntland Post