Madaxweyne Deni oo la kulmay isimada dhaqanka Bari

Madaxweyne Deni iyo isimada Bari

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay isimada dhaqanka gobolka Bari.

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Isimada dhaqanka ayaa daarnaa is-xog wareysi guud, kaasi oo lagaga arrinsanayey sidii wadajir looga wada-shaqaynlahaa xasiloonida, nabadda iyo wadajirka shacabka Puntland, amniga magaalada Boosaaso iyo hurumarka Puntland.

Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa Madaxweynaha Puntland ku bogaadiyey wada-shaqaynta dhow uu la leeyahay iyo sida ay uga go’antahay horumarinta Puntland iyo kala shaqaynta amaanka iyo xasiloonida dalka, isimada ayaa Alle uga baryey Madaxweynaha in uu u fududeeyo shaqada adag ee uu shacabkiisa u hayo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadnaqay isimada wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin dowladda iyo sida ay mar waliba uga go’antahay ka shaqaynta amaanka iyo nabada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu isimada kula dar-daarmay in ay ka qayb-qaataan horumarka ay ku talaabsatay Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa intii uu Boosaaso ku sugnaa kulamo kala duwan la qaadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada.

PUNTLAND POST