Somaliland: Faransiiska oo raadinaya Ganacsade loo haysto 20 Milyan

Maxamuud Warsame

Iyadoo maalmihii udambeeyay deegaanada Somaliland laysla dhexmaray in Ganacsade lagu magacaabo Axmed Cismaan Geelle ay Somaliland u dhiibayso Jabuuti, ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Madaxtooyada.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in Ganacsade Axmed Cismaan Geelle uu yahay nin lacago badan ka soo dhacay Bangiyo laga leeyahay dalka Faransiiska.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in shirkadda GSK, oo mulkiile ka yahay Axmed Cismaan Geelle ka qaadatay Bangiga Faransiiska ee BCI Mer Rouge, oo qayb ka ah Bangiga kale ee BRED, kaas oo farac u ah Bangiga caalamiga ah ee BPCE, lacagtaas ayuu sheegay in shirkadda GSK ku qaadatay maalgelinta Warshadda Coca-Cola oo laga dhisay Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mulkiilaha shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle, uu qaatay deyntaas isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti ah, haystana dhalasho Jabuuti, muddo ka dibna uu u soo wareegay Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in sanadkii hore ay Hargeysa yimaadeen madax ka socda Bangiyadaas, kuwaas oo sheegay in 20 Milyan oo doolar ku leeyihiin ganacsadahan, isaguna uu qirtay, balse uu ku dooday in qaar kamid ah hantidiisa ay ku xaniban tahay dalka Jabuuti oo khilaaf soo kala dhexgalay darteed uusan u tagi karin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadkii hore Somaliland yimi safiirka dalka Faransiiska u fadhiya Kenya Ambassador Antoine Sivan, oo sita go’aano maxkamadaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti ee la xiriira arrintan, kaas oo sheegay in ay dacwac ka dhan ah shirkadda GSK u gudbiyeen Booliska caalamiga ah ee INTERPOL.

Ugu dambeyn Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in Ganacsade Axmed Cismaan Geelle ay kula taliyeen in uu lacagtaas iska bixiyo, maadaama uu qirsan yahay, balse uu ka cagajiiday, qaadayna talaabooyin khaldan.

PUNTLAND POST