Puntland: Gacanka Gardafu’ oo qarka u saaran in burcad-badeed ka abuuranto

Xeebta degmada Caluula ee gobolka Gardafu’

Kalluumeysatada  ku nool degaannada ku teedsan xeebta gobolka Gardafu’ ee Puntland, ayaa ka cabanaya, doomo iyo maraakiib jariif ba’an ku haya xeebaha gobolkaasi.

Qaar kamid ah kalluumeysatada gobolka, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay  in ay wakhtigan gebi ahaanba joojiyeen, shaqada maalmeedkii  kalluumeysiga, kadib markii doomo iyo maraakiib hubaysan oo jariif ah ay xeebaha soo buuxiyeen.

Maraakiibta iyo doomaha jariifka oo wata shabaago waaweyn, ayaa xaaluf ba’an ku haya, kalluunka iyo khayraadka kale ee badda ku hoos nool, waxaana ay gudaha u soo galeen xeebta dhanka berriga xigta sida ay sheegayaan kalluumeysatada halkaasi ku sugan.

Waxaan weligaya na soo marin baa halkaan ka socda, habeenkii xeebta waxaad mooda in magaalooyin waaweyn ku yaallan, markii qorraxdaasi dhacdo ayaa waxa is-qabsanaya iftiin iyo layrar garbo siman ah waxaasina waa maraakiib jariifa” ayuu yiri mid kamid ah kalluumeysatada.

Sidoo kale, maraakiibta iyo doomaha jariifka ah ayaa curyaamiyay, qalabkii ay ku jillaaban jireen kalluumeysatada gobolka, iyagoo guud ahaan burburiyay shabaagihii yaryaraa iyo saxiimadihii, islamarkaana wax dhaqdhaqaaq ah u diiday kalluumeysatada , maadaama sida la sheegayo ay rasaas ku ridayaan saxiimadaha iyo laashashka badda u socda.

kalluumeysatadu hadda maba shaqeeyaan, waayo? Qofkii xeebta galaba waxaa rasaas ku furaya  maraakiibta jariifka ah, waxaana ay u sheegayaan in uu dib u laabto haddii kale la dili doono, weliba dad afsoomaali ku hadlaya ayaa meesha saran” ayuu yiri kulluumeyste kale.

 Maraakiibta iyo doomaha jariifka, oo qaarkood laga leeyahay dalalka Iran iyo Yemen,  ayaa la sheegayaa hadda in ay ilaa 10  nautical mile ka soo dhowaadeen, halkii ay hore u jariifayeen ee xeebta gacanka Gardafu’ kadib markii ay xaalufiyeen meelihii hore.

Qaar kamid ah kalluumeysatada ayaa ku hanjabaya in ay is abaabulayaan, si ay ula dagaallaman jariifkan xadka ka baxsan oo ay sheegeen in uu fadhiisiyay shaqa-maalmeedkoodi kalluumeysiga,taasi oo laga cabsi qabo in ay mar kale dib u abuurto burcad-badeedii Soomaalida.

Gobolka Gardafu’ ayaa ka kooban 5 degmo oo dhammaantood xeebleh, iaydoo nolosha gobolka ay ku tiirsantahay kalluumeysiga iyo xoolaha-nool, waxaana wakhtigan gobolka ka jirta abaar baahsan oo inta badan manfac-tirkay xoolaha, halka kalluumeysigiina ay isbaaro u dhigteen jariifayaal shisheeye.

Magaalo-madaxda gobolka ee Caluula iyo degmooyinka kale ee Baargaal, Bareeda, Gumbax iyo Murcanyo ayaa si isku mid ah looga soo cabanayaa jariifka xadka ka baxay.

PUNTLAND POST