Maxay kawada hadleen Wasiiradda arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya?

Cawad iyo Juma

Magaalada Nairobi, waxaa maanta ku kulmay Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo dhiggiisa Kenya Monica Juma.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Wasiir ayaa ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, xal u helidda is-fahamwaagii bilahan u dambeysay taagnaa iyo arrimo kale.

Labada Wasiir ayaa la sheegay in ay isla garteen in xiriirka labada dal lagu celiyo halkii uu joogay ka hor is-fahamwaagii labada dal soo kala dhex galay bishii Febaraayo, ayadoo Wasiir Cawad uu u caddeeyay dhiggiisa in Soomaaliya ay u aragto Kenya walaal dhab ah oo mar walba garab taagan Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa la sheegay in uu la wadaagay dhiggiisa Kenya duqeyn ay ciidammada Kenya u geysteen dhowr xarumood oo ay lahaayeen shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya oo ku yaalla gudaha dalka Soomaaliya, waxaana intaas lagu daray in Wasiir Juma ay ballan qaadday in ay eegi doonaan arrintaasi, ayna ka soo jawaabi doonaan.

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in labada Wasiir ay isku raaceen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay labada dal dib u howlgeliyaan safiiradoodii Nairobi iyo Muqdisho si ay howlahooda u sii wataan.

Kenya ayaa 16 February 2019 ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay si tix-gelin la’aan ah ay u beecisay xuduud badeedda ay la leedahay, si looga baaro shidaal, waxayna u yeeratay safiirkeedii Muqdisho, halka kii Soomaaliya ee Nairobi ku sugnaana amartay in dalkiisa ku laabto inta laga xalinayo khilaafka labada dal.

Balse Soomaaliya ayaa maalin kadib si asluubaysan ugu jawaabtay Kenya, iyadoo sheegtay in guud ahaan dhulka hadda shidaalkiisa la beec geeyay yahay mid si sax ah u leedahay Soomaaliya, sidoo kale ay qorshaha ugu jirin dhul kamid ah xadka lagu muransanyahay, ilaa inta ay go’aan ka gaarayso maxkamadda cadaaladda.

Horaantii bishii la soo dhaafay ee Maarso ayay ahayd markii Nairobi kulan ku qaateen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Kenya ayaa kulankii Farmaajo iyo Kenyatta ka hadlin, balse Soomaaliya ayaa sheegtay in lagu heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal.

PUNTLAND POST