Muqdisho: Yaa lahaa dhul dowladda Soomaaliya u astaysay dhul diblomaasi?

Duqa iyo Guddoomiyaha Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cabiraxmaan Yariisow ayaa 11-kii bishii la soo dhaafay ee Maarso 2019, soo saaray wareegto uu ku sheegay in xaruntii hore ee ciidanka badda Soomaaliya (Ex-Marino), gurigii Taliyaha oo ku yaala degmadda Cabdicasiis iyo dhulka dhanka badda ka xiga loo asteeyay dhul diblomaasi.

Haddaba waxaa arrintaas ka hadlay Cabdimaalik Maxamed Cali Dacar oo sheegay in dhul ku yaalla degmada Cabdicasiis xeebta Liido, duleedka xaruntii ciidanka badda Soomaaliya (Ex-Marino) oo kamid ah dhulkii dowladdu astaysay ay la haayeen.

Cabdimaalik ayaa soo bandhigay dukumintiyo muujinaya lahaanshaha dhulkaas oo lahaa Aabihiis Maxamed Cali Dacar oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii Soomaaliya iyo SYL.

Sidoo kale Cabdimaalik ayaa sheegay in dhulkaas oo ay la haayeen 54 sano ay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ku haysteen dad uu kamid ahaa Muuse Suudi Yalaxow oo hadda kamid ah aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Cabdimaalik ayaa codsi u diray madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday in ay dib u eegis ku sameeyaan go’aankii duqa Muqdisho.

Hoos ka daawo muuqaal uu arrintaas kaga hadlayo Cabdimaalik Maxamed Cali Dacar

PUNTLAND POST