Muqdisho: Is rasaaseyn ka dhexdhacday xarun Warbaahineed

Xarunta Telefishinka Universal ee Muqdisho waxaa maanta is raaaseyni ku dhexmartay ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo ciidamo ilaalo u ahaa Telefishinka.

Sida la sheegay ciidamo Booliska canshuuraha ah oo gaarayay ilaa 10 askari oo watay gaari ayaa tagay xarunta Telefishinka Universal oo ku dhow Madaxtooyada, halkaas oo muran ku dhexmaray ilaalada TV-ga, taas oo sababtay in ay is rasaaseeyaan labada dhinac.

Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay soo faragaliyeen markii dambe dhacdadan, kadib toban daqiiqo oo ay socotay is rasaaseyn, kuwaas oo xaalada caadi ku soo celiyay.

Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay is rasaaseyntaas, balse waxaa la sheegay in uu hawada ka baxay Telefishanka Universal.

Telefishinka Universal ayaa arrintan ka hadlay, wuxuuna war qoraal ah oo lagu daabacay bartiisa fecebook-ga lagu yiri sidan.

“Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa saaka weerar kuso qaaday xarunta Tvga Universal ee magaalada Muqdisho. Ciidamadan ayaa Rasaas ooda kaga qaaday xarunta Tvga iyo shaqaalahaba xili uu Tvga Toos hawada ugu jiray”.

Dhanka kale ma jrto cid ka tirsan dowladda oo ilaa iyo hadda ka hadashay arrintan oo noqonaysa tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ka dhacda Muqdisho.

PUNTLAND POST