Madaxweynaha Puntland oo socdaalkii ugu horreeyay Garowe uga baxaya

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa socdaalkii ugu horreeyay Garoowe uga baxayaa tan iyo markii la doortay 8-dii Jannaayo ee sannadkan 2019.

Ilo’ ku dhow xafiiska madaxweynaha ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in socdaalkii ugu horreeyay ee madaxweynuhu Garoowe uga baxo tan iyo markii la doortay uu dhammaadka todobaadkan ku tegi doono magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Socdaalkan oo aan la sii shaacin ayaa madaxweynuhu ugu kuur –gelayaa xaaladda amni iyo tan nololeed ee ka jirta gobolka bari gaar ahaanna magaalada boosaaso oo amnigeeda laga deyriyay maalmahan dambe.

Mudane deni ayaa socdaalkiisa ku sii hakan doona magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar halkaaso dhowaan  guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo u sheegay in dowladda laga mucaaradsanyahay.

PUNTLAND POST