Dableey hubaysan oo la wareegay xarunta shirkadda Golis ee Buurtinle

Sawir hore xarunta maamulka degmada Buurtinle

Dableey hubaysan ayaa saakay la wareegay xarunta shirkadda isgaarsiinta Golis ee degmada Buurtinle gobolka Nugaal.

Malayshiyada hubaysan oo la sheegay in ay ka soo jeeda isla degmada Buurtinle ayaa hawada ka saaray khadka taleefonnada ee xarunta sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Kooxda ayaa sheegtay in ay mag-dhow ka ku leeyihiin shirkadda kadib markii sida ay sheegeen qof ehelkooda ku dhintay fiilooyin koronto oo shirkadda Golis ay xirtay.

Khadka isgaarsiinta Golis ayaa maanta gebi ahaanba hawada ka maqan degmada Buurtinle oo nawaaxigeeda mana jiro wax war ah oo ka soo baxay shirkadda Golis.

PUNTLAND POST