US’ ama SAXIIX: Haweeney ka cabanaysa maxkamadda darajada koowaad ee Garoowe

Xaawo Cabdullaahi Ciise oo ku nool magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayaa cabasho ka muujisay habka ay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal u xukmisay, muran la xiriira lahaansha-dhul oo u dhexeeya haweeneydan iyo dad kale.

Xaawo oo maanta  warbaahinta kula hadashay Garoowe, ayaa sheegtay in ay dacwad geysatay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, kadib markii dad kale ku habsadeen hanti-dhul oo ay leedahay,balse maxkamaddu ay hantidaas u xukuntay dhankii kale iyadana xabsi la dhigay.

Haweeneydan oo lug naafa ka ah, ayaa sheegtay in ay caddaalad-darro ku samaysay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal,waxaana ay  codsi u dirtay mas’uuliyiinta Puntland ee madaxweynuhu u horreeyo in ay kiiskan wax kala qabtaan.

halkaan ka daawo

PUNTLAND POST