Muuse Biixi oo ka hadlay xiisada Sanaag iyo wada hadalka federaalka iyo Somaliland

Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal u jeediyay labada Gole ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland iyo xiisada gobolka Sanaag.

Muuse Biixi ayaa  sheegay in dowladda Turkiga oo garwadeen ka ah wada hadalada dowladda federaalka iyo Somaliland ay kula taliyeen in wada-hadalku noqdo mid ay goob-joog ka noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee  wada-hadalka u diyaarka ah.

“Dawladda Turkiga ayaanu in badan wada hadalnay, iyada oo doonaysa in ay kalideed inna dhex-dhexaadiso innaga iyo Soomaaliya, hase yeeshee, annaga oo dareensan 7 sanno oo Turkigu arrintaa ku jiray in aanay wax midho ah dhallin, waxaannu ku talinnay in arrinta wada-hadalku ay noqoto mid ay goob-joog ka wada noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee arrinta wada-hadalka u diyaarka ah” ayuu yiri Muuse Biixi.

Sidoo kale Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ay la soo xiriireen dawladaha Sweden iyo Switzerland, kuwaas oo mid walba dalbatay in ay marti-galiyaan wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliand, ayna ka aqbaleen.

“Waxa si toos ah noola soo xiriiiray dawladaha Sweden iyo Switzerland oo mid walba gaarkeeda diyaar ugu tahay in arrinta wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay marti-geliso. Somaliland way aqbashay labadaa marti-qaadba” ayuu mar kale yiri Muuse Biixi.

Dhanka  kale Muuse Biixi ayaa ka hadlay xiisada dhawaan ka soo cusboonaatay gobolka Sanaag ee u dhaxeysa Puntland iyo maamulkiisa , wuxuuna ku baaqay in laga fogaado wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida wax u dhimaya.

“Soomaaliya waxaynu xad ka leenahay Puntland, waxaanu u haynaa walaalnimo, iskaashi iyo nabad-gelyo,  waxaase maalmahan dambe soo kordhaya ciidamo maamulkaasi ah oo ka soo gudbaya xadka inoo dhexeeya, falal nabad-gelyo darro ahna ka sameynaya gudaha Somaliland. Soomaaliya waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka wax yeelaya. Waxaannu ka digaynaa haddii waanadayada la weelayn waayo, in Somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabadda iyo hantida muwaadiniinta Somaliland” ayuu yiri Muuse Biixi.

Puntland ayaa horey u sheegtay  in Somaliland ay duullaan ku soo qaaday deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ee Puntland si ay u curyaamiso dagaalka ay Puntland argagixisada kaga sifeynayso buuraleyda gobolada Bari iyo Sanaag, waxayna intaas ku dartay in marwalba ay dulqaad muujinayso iyadoo xeerinaysa xasiloonida gobolka iyo deris wanaaga kana hortegaysa daadinta dhiiga dadka walaalaha, balse mar dambe aysan u dulqaadan doonin daan-daansiga iyo weerarrada joogtada ah ee kaga imaanaya dhinaca Sonaliland.

Sidoo kale Puntland ayaa dhawaan dalbatay in laga qeyb galiyo wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland oo la rajeynayo in uu dhawaan bilaamo.

Puntland iyo Somaliland oo ah labo maamul oo deris ah ayaa ku muransan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo mid walba dastuurka ugu qoran, waxaana marar badan dhexmaray dagaalo dhiig ku daatay.

PUNTLAND POST