Shil dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay gobolka Bari

Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhintay 7 kalena waa ku dhaawacantay shil gaari oo goor dhoweyd ka dhacay tuulada Mareero oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Gaariga ah shilka galay oo la sheegay in uu arday iskuul waday ayaa ka soo baxay magaalada Boosaaso waxaana uu ku sii jeeday degaanka Laag oo qiyaastii 30 koonfur galbeed uga beegan Boosaaso sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Faahfaahinta Puntland Post