Faahfaahinta: Shil gaari oo ka dhacay gobolka Bari

Sawirka gaariga shilka galay

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa shil gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay tuulada Mareero oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in gaariga shilka galay oo ka yimid magaalada Boosaaso kuna sii jeeday dhanka degaanka Laag oo qiyaastii 30 km u jirta Boosaaso ay ku dhinteen ilaa 4 ruux halka ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo kale.

Dadka dhintay ayaa lagu sheegay arday ka tirsan iskuulka Ugaas Yaaasiin ee magaalada Boosaaso kuwaasoo gaarigu u waday degaanka Laag balse ilaa iyo hadda lama xaqiijin waxa shilkaan dhaliyay.

Ardayda gaariga saarnaa ayaa dhiganayey fasalka 4aad (Form four) ee iskuulka Ugaas Yaasiin oo ku yaalla degmada Boosaaso.

PUNTLAND POST