Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay degmooyin cusub

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa magacaabay degmooyin cusub oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa lagu magacaabay 10 degmo oo 5 kamid ah ka tirsanyihiin gobolka Mudug halka 5 kalena ka tirsan yihiin gobolka Galgaduud.

Sida dikreetada ku cad degmooyinka la magacaabay ee gobolka Mudug waxay kala yihiin Bandiiradley Bacadweyne Wisil Afbarwaaqo iyo Ceel-guul.

Dhinaca gobolka Galgaduud madaxweyne Xaaf wuxuu degmooyin u magacaabay Guriceel Baxdo Godinlabe Galinsoor iyo Dhabbad.

PUNTLAND POST