Mid kamid ah hoggaamiyaashii burcad-badeeda oo la dilay

Garaad, Muqdisho

Axmed Maxamuud Maxamed oo loo yaqaanay ‘Garaad’ kana mid ahaa ragii ugu caan sanaa burcad-badeedii Soomaalida ayaa lagu dilay koonfurta gobolka Mudug.

Garaad ayaa 18-kii bishan Maarso 2019, xili habeen ah kooxo hubaysan oo jid gooyo u dhigtay ku dileen deegaan lagu magacaabo Colfuula, xilli uu ku wajahnaa magaalada Gaalkacyo, uuna ka yimid magaalo xeebeedka Hobyo.

Sida ay PUNTLAND POST ka soo xigatay dad xog ogaal ah oo ku sugan koonfurta gobolka Mudug dilka Garaad wuxuu ahaa mid qorshaysan, oo isaguba uusan ka war la’ayn, intii aan la dilin ka hor waxay isaga iyo nin ilaalo u ahaa ka hareen gaarigii ay ka soo raaceen Hobyo, waxayna ka shakisnaayeen in jidka loogu jiro.

Gaari labaad oo ay soo raaceen oo ahaa mid rakaaba ayaa sida la sheegay kooxda hubaysan oo watay labo gaari u dhigteen jid gooyo, iyagoo kala dagay gaariga, waxaana muddo yar oo ay heysteen kadib soo daayeen ninkii ilaalada ahaa, halka ay dileen Garaad.

Maalmo ka hor intaan la dilin Garaad waxaa la sheegay in deegaanka Hobyo uu ka jiray muran u dhexeeyay qaar kamid ah dadka deegaanka iyo Garaad iyo koox taabacsan oo la sheegay in ay wadeen falal burcad-badeed, dad u ogolaynayay dhismaha dekedda Hobyo ayaa diidanaa in falal burcad-badeed laga bilaabo halkaas, halka Garaad iyo kooxiisu ay ku adkeysteen tooda.

Axmed Maxamuud Maxamed (Garaad) ayaa Isniintii galinkii dambe lagu aasay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Garaad oo la sheegay in uu jiray 51 sano ayaa ku dhashay oo ku soo koray deegaanka Xara-dheero ee gobolka Mudug, balse wuxuu heyb ahaan ka soo jeeday deegaanada Puntland, gaar ahaan gobolka Nugaal.

Garaad ayaa kamid ahaa ragii asaasay burcad-badeeda Soomaalida oo mar ka qeylisiisay adduunka, wuxuuna kamid ahaa hoggaamiyaashii kooxdaas ee caanka noqotay, aadna loo raadin jiray.

Garaad wuxuu malaayiin lacag ah oo madax furasho ah ka qaaday gaadiid badeed, wuxuuna ahaa Aktarkii burcad-badeeda ee gobolka Mudug, isagoo difaaci jiray qadiyada burcad-badeednimada.

Garaad ayaa horaantii sanadkii 2012, la qabtay, markii Markab laga leeyahay dalka Iran ay ku qabsadeen badweynta Hindiya, waxaana dagaal muddo Toban saacadood qaatay oo dhexmaray ciidamada badda Iran iyo kooxdii burcad-badeeda ahayd, uu markii dambe sababay in gacanta lagu dhigo Garaad iyo kooxdiisii, waxaana sida la sheegay howlgalkaas ku dhintay nin Irani ah oo saarnaa markabka la qabsatay.

Iran oo qabatay burcad-badeed

MuddoTodobo sano ah ayaa Garaad iyo kooxdii lala qabtay ku xirnaayeen dalka Iran, mana jirin maxkamad xakuntay.

Balse Garaad iyo ragii kale ee kula xirnaa Iran ayaa Muqdisho ka soo dagay 14-kii bishii la soo dhaafay ee Febaraayo 2019, waxaaana soo deyntaas dadaal dheer ku bixiyay Danjire Maxamed Xuseen Owliyo.

Garaad oo markii garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dajiyay ahaa ninkii ugu horeeyay oo hadlay ayaa u mahadceliyay Danjire Maxamed Xuseen Owliyo.

Garaad iyo ragii la socday Muqdisho

Kadib Garaad oo muddo yar joogay Muqdisho, wuxuu uu soo aaday gobolka Mudug, gaar ahaan Xara-dheero iyo Hobyo, waxaana ugu dambeyn lagu dilay inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Hobyo.

Maamulka Galmudug ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dilka Garaad oo kamid ahaa hoggaamiyaashii burcad-badeeda Soomaalida.

PUNTLAND POST