Jen. Indho-qarshe oo si adag uga hadlay Hawl-galka Ciidamada AMISOM

Muqdisho (PP) ─ Taliyaha ciidamada millateriga Somalia, Jen. Daahir Aadan Cilmi [Indho-qarshe] oo la hadlayay warbaahinta ayaa asheegay in ciidamada AMISOM ay xilliyada dagaalka daba-socdaan kuwa Soomaaliya oo ka hub iyo qalab yar.

Jen. Indho-qarshe ayaa sheegay in ciidamada Somalia ay iyagu dhibaatada inta badan ku dhacayso, balse ciidamada ka mushaarka badan ee AMISOM ay gabaad ka dhigtaan kuwa Somalia.

“Ciidamada AMISOM ee mushaar ahaanta u qaata 1,000 doollar iyo in kasii badan, waxay xilliyada dagaalka daba socdaan kuwa Somalia, dhibaatada inta ugu badan waxay ku dhacdaa ciidamadeenna, waayo waxay og-yihiin inay u dhaarteen difaacadda dalkooda,” ayuu yiri Jen. Indho-qarshe.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Somalia ay ay ka go’an tahay mar walba inay dalkooda ka difaacaan cadowga, isagoo hadalkiisa ku daray in ciidamada Somalia ay helayaan dhammaan xuquuqaha ay ku leeyihiin dowladda.

Dhanka kale, Ciidamada AMISOM ayaa waxay saldhigyo kala duwan ku leeyihiin gobollada dalka qaarkood, waxaana inta badan lala beegsadaa saldhigyadoodaas weerarro khasaare badan ay kasoo gaarto.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ayaa waxay tiradooda ka badan tahay 12,000 oo askari, kuwaasoo ka kala socda dalal dhowr ah oo ka tirsan kuwa Afrika, balse muddo toban sano ka badan ayay ku guuleysan la’yihiin inay ka adkaadaan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Hadalka Taliyaha Millateriga Soomaaliya ayaa wuxuu  kusoo beegmayaa xilli maalmahan si weyn loo hadal-hayay ciidammo kasoo baxay dhufeyso iyo saldhigyo ay kaga sugnaayeen qaybo ka mid ah dalka.

PUNTLAND POST