Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka oo Xamar ku qabatay Tababarkii ugu horreeyay

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa marti-gelisay tababar ku saabsan Barnaamij lagu maamulayo hirarka oo loogu talo-galay dalalka soo koraya (Spectrum Management System for Developing Countries – SMS4DC), kaasi oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU), laguna qabtay magaalada Muqdisho intuu u dhexeysay 14-kii illaa 18-kii Maarso 2019.

Axmed Boraud oo ah tababare caalami ah oo ka socday ITU ayaa ugu horreyntii sheegay in ujeeddada tababarkan uu yahay sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha sidii ay si habsami leh ugu isticmaali lahaayeen barnaamijkan arrimaha maareynta hirarka, isagoo intaasi ku daray in tababarkan uu diiradda saari doono shaqaalaha maamula hirarka noocyada kala duwan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, C/casiis Duwane Isaaq, ayaa sheegay in ay tahay fursad taariikhi ah in Machadka Isgaarsiinta Qaranku uu martigeliyo tababar ay soo qabanqaabisay ITU, taas oo ah markii ugu horreysay tan iyo burburkii ka dhacay dalka, isagoo xusay in tallaabadani ay dhabbaha u xaari doonto barnaamijyo kale oo ay ITU ka fuliso dalkeena, laguna qabto Machadka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in tababarkan uu ku soo aaday waqti munaasab ah oo dalkeenu uu si buuxda u ceshtay xubinnimadii Ururka ITU, isla markaana uu yeeshay hay’ad maamusha arrimaha isgaarsiinta oo haatan ku hawlan nidaaminta qeybaha kala duwan.

Maareeyuhu wuxuu intaasi ku daray in tababarkan uu xoogga saaray in xogta ay ururisay Hay’adda Isgaarsiinta loo isticmaalo barnaamijkan, isagoo ku adkeeyay ka-qeybgalayaasha inay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoontii ay ka kororsadeen tababarkan.

“Waxaan u mahadcelinayaa ITU, gaar ahaan Xafiis-goboleedka Carabta oo gacan ka geystay sidii barnaamijkan u qabsoomi lahaa. Waxaan rajeyneynaa in ITU ay naga caawin doonto tababarro badan oo noocan oo kale ah si aan u dhisno awoodda farsamo ee shaqaalaheena,” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay maareeyuhu.

PUNTLAND POST