Wasiirka arrimaha dibada Ereteriya oo yimid Somaliland

Muuse Biixi iyo Cismaan Saalax

Wasiirka arrimaha dibada dalka Ereteriya Cismaan Saalax Maxamed, iyo wafdi la socday oo la taliyayaal Madaxwene ah yaa maanta soo gaaray Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibada Ereteriya ayaa kulan albaadu u xirnaayeen la yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana markii kulankaasi soo dhamaaday warbaahinta la hadlay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Yaasiin Farotoon iyo Wasiirka arrimaha dibada Ereteriya.

Yaasiin Farotoon ayaa sheegay in kulanka diirada lagu saaray sidii ay isu kaashan la haayeen dalalka geeska.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibada Ereteriya ayaa sheegay in wafdigan uu soo diray Madaxweyne Isaias Afwerk si aan ugu yaraan u ogaano waxa ka socda Somaliland.

Wafdiga ka socda Ereteriya ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona deegaanada Somaliland.

PUNTLAND POST