Dagaal la sheegay in uu ka socdo degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud

Wararka ka imanaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba dhinac oo hubaysan sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Suxufi ku sugan gobolka Galgaduud ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in dagaalka uu bilowday gelinkii dambe ee xalay kadib markii mid kamid ah dhinacyada dagaallamaya uu malayshiyaad hubaysan soo geliyay halkaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhinacyada dagaallamaya ay yihiin dad deegaanka u dhashay oo ku kala qeybsan dhanka siyaasadda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin cidda dagaalku u dhexeeyo.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo werinayaa in uu ka dhashay dagaalka, balse ilaa iyo hadda faahfaahin sii dheer lagama hayo.

PUNTLAND POST