Dowladda Puntland oo shaacisay wakhtiga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah

Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay, wakhtiga la qaadayo, imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare degaannada Puntland.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland, ayaa lagu sheegay in imtixaanka shahaadiga la qaadi doono, inta u dhexaysa 25-ka iyo 30-ka bisha May ee sannadkan 2019.

Waxaan la wadaagaynaa dhammaan ardayda, maamulayaasha, waalidiintaba in imtixaankii sannad- dugsiyeedka 2019 ee Puntland uu dhacayo 25ka ilaa 30ka bisha May 2019″ ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda ayaa ku amartay, dhammaan maamulayaasha iyo macallimiinta iskuulada, in ay dhammaystiran muqarrarka maddooyinka ka hor wakhtiga loo cayimay imtixaanka.

Waxaan kula talanaynaa ardayda iyo macallimiintuba in ay xil iska saaraan meelmarinta iyo dhammaystirka muqrarkii sannadka” ayaa la sii raaciyay.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa sheegtay in sannadkan la adkeeyay, imtixaanka maadada Computer-ka iyo maadada siyaasadda, si ay u buuxiyaan shuruudaha qiimaynta muqarrarka u degsan Puntland.

maaddooyinka ICT iyo Government and Politics wax wayn ayaa laga bedelay imtixaankooda waana la xoojiyay si ay u buuxiyaan shuruudaha qiimaynta muqararkii la dejiyay”.

Dowladda Puntland ayaa sannad walba imtixaan midaysan ka qaadda, ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare guud ahaan degaannada Puntland.

Imtixaanka ayaa lagu saleeyaa, muqarrar iyo manhaj midaysan oo ay dejisay wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.

PUNTLAND POST