Shaqadii dekedda magaalada Berbera oo istaagtay

Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland ayaan gebi ahaanba maanta wax shaqo ah ka socon kadib markii ganacsatadii wax kala soo degi jiray ay joojiyeen.

Ganacsatada ayaa la sheegayaa in ay ka cabanaya lacago dheeri ah oo ay ku kordhisay shirkadda DP World ee maamusha dekeddaasi.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirkadda DP World ay shaqaalaheeda kala baxayso dekedaha Berbera iyo Boosaaso arrima la xiriira dhinaca amniga sida laga soo xigtay mas’uul u hadlay shirkadda.

4-tii bishii Febraayo ee sannadkan 2019 ayaa magaalada Boosaaso lagu dilay madaxii shirkadda P&O Ports Paul Anthony Formosa.

P&O waa shirkad ay leedhay DP World taasi oo maamusha dekedda Boosaaso.

PUNTLAND POST