Puntland oo celisay soogalooti Ethiopian oo horleh

Soogalooti laga daabulayo Garoowe

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay dalkooda ku celisay soogalooti Ethiopian ah oo iskood u go’aansaday in ay laabtan.

Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in Sabtida saaka la celiyay dad iskood isu’ diiwaan-geliyay in ay dalkooda ku laabtan inkastoo aan la xusin tiradooda rasmiga ah.

Dadkan oo ay dhanka safarka ka caawisay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa saaka laga daabulay kantaroolka galbeed ee magaalada Garoowe waxaana la geyn doona degaanka Tuurdibi oo hoostaga degmada Galdogob ee gobolka Mudug islamarkaana ku yaalla xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Puntland ayaa todobaadyadii u dambeeyay dalkooda ku celisay dad gaaraya 3000 kun oo soogalooti Ethiopian u badan Qowmiyadda Oromada kuwaasoo oo laga soo uruuriyay magaalada Boosaaso iyo tuulooyinka hoosyimaada ee ku teedsan xeebta badda Cas.

PUNTLAND POST