Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo isaga baxay Galgala

Kani waa sawir hore

Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugnaa degaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa Sabtida saaka ah isaga soo baxay halkaasi.

Ciidamadan oo ka kooban Booliis iyo Daraawiish ayaa gaaray tuulada Jimbac oo qiyaastii 28 km dhanka bari kaga beegan degaanka Afurur ee isla gobolkaasi Bari sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sarkaal ciidan oo diiday in magaciisa la xigto ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay bixitaanka ciidamada waxaana uu sheegay in ay ka cabanayaan mushahar la’aan in mudda ah haysatay sida uu hadalka u dhigay.

Wasaaradda amniga dowladda Puntland iyo saraakiisha ciidamada ayaan dhankooda weli ka hadlin bixitaanka ciidankaasi.

PUNTLAND POST