Puntland iyo Somaliland oo dagaal qarka u saaran

Xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa ka aloosan degaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

Somaliland ayaa ciidamo badan soo dhoobtay degmada Yubbe oo dhinaca bariga ka xigta magaalada Ceerigaabo halkaasoo ay saldhig ciidan ka samaysteen.

Puntland ayaa dhankeeda ciidamo dheeraad ah u dirtay degmada Badhan iyo degaanno kale oo ka tirsan bariga gobolka Sanaag.

Sidoo kale waxaa degmooyinka Dhahar Xiingalool iyo Badhan gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa haatan la sheegayaa in ay labada dhinac kaga soo wajahan yihiin degmada Hadaaftimo oo aan wakhtigan midkoodna joogin waxaana laga cabsi qabaa in dagaal halkaasi ka qarxo.

PUNTLAND POST