Qorshe la doonayay in lagu sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow oo la isku khilaafay

Muqdisho (PP) ─ Dadaallo ay waddeen waxgaradka Baydhabo iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, kuwaasoo la doonaayay in lagu sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abuu-Mansuur] oo ku xiran Muqdisho ayaa guul-darro kusoo dhammaaday.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulka Koonfur-galbeed ayaa wabaahinta u heegay inuu fashilmay dadaalka kaddib markii dowladda dhexe ee Somalia ay waxgaradka Baydhabo ku xujeeyeen in miiska wadahadalka la keeno Sh. Roobow, balse ay diiday.

Sidoo kale, Abuu-Masuur ayaa diiday inuu ku qanco shuruudo ay Dowladda Soalia hor-dhigtay si looga siidaayo xabsiga, waxaana qayb ka ah in uusan faragalin dhacadii Baydhabo ee ay dadka badan ku dhinteen, isla markaana dowladda Federaalka iyo odayaasha dhaqanka ay ka xaajoodaan.

Dhanka kale, Wadaadkan ayaa hadda ku xiran Muqdisho, waxaana xiristiisii ka dhashay bannaanbayo ay ku dhinteen dad badan, kuwaasoo ka dhacay Baydhabo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo uu fashil ku yimaado dadaal la doonayo in Sheekh Roobow xabsiga looga sii daayo, waxaana wadaadkan lagu eedeeyay inuusan wax tanaasul ah ka sameyn ka mid ahaanshihii Al-shabaab oo uu ka soo baxsday.

Ugu dambey, Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu Dowladda Somalia weydiiyay inay fasiraad ka bixiyaan shacbakii Baydhbao lagu dilay markii lasoo xiray Sheekh Roobow, balse DF ayaa hadalkaas uga jawaabtay inay eriday ergayga, illaa haddana ma jirto ergay ay QM u soo magacowday Somalia.

PUNTLAND POST