Waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo Maydka Wasiir Xoosh oo kusoo Wajahan Caasimadda

Muqdisho (PP) ─ Inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiray, iyadoo lagu wado in saacadaha soo socda caasimadda dalka la keeno madydka wasiirkii hore ee arrimaha dastuurka Somalia, Marxuum C/raxmaan Xoosh Jabriil oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Dubai ee dalak Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Wadooyinka qaarkood ayaa la diiday inay maraan shacabka, taaasoo xubno ka tirsan saraakiisha ciidamada Somalia ku sheegeen inay tahay sababo la xiriira dhanka ammaanka.

Aaska marxuumka ayaa lagu wadaa inay ka qayb-galaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka Somaila, waxaana la sheegay in lagu aasi doono gudaha isbitaalka Madiina ee Muqdisho, inkastoo ay dhici karto in goob kale lagu aaso.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun lama filaan ah oo kula soo booday dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay ku sugnaayeen inta badan xubnaha qoyskiisa, isla markaana la doonayay in lagu mehriyo gabdhiisa.

Sidoo kale, Marxuumka ayaa waxaa maydkiisa kasoo raacay Dubia wasiirka caafimaadka Somalia, Cabadullaahi Goodax Barre oo ay Muqdisho iska raaceen markii ay ku socdeen Dubai iyo kale oo ay ehel yihiin.

Dhanka kale, Lama oga in Madaxweyne Farmaajo uu aaska ka qayb-galayo in kale, inkastoo madaxweynuhu uu si murugo leh uga tacsiyeeyay geerida marxuumka oo uu ku tilmaamay mas’uul aqoontiisa geliyay Somalia si loo helo dastuur la isku raacsan yahay.

Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa Muqdisho ka dhoofay toddobadkii hore isagoo caafimaad qaba, balse waxaa maanta lagu soo celinayaa Xamar isagoo mayd ah oo aan noolayn.

PUNTLAND POST