Maxaa Muuse Biixi sidii hore si ka duwan loogu soo dhaweeyay Imaaraadka?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Muuse Biixi ayaa maagaalada Abu Dubai loogu soo dhaweeyay si aan horey loogu soo dhaweyn isaga iyo madaxdii ka horeysay, waxaana garoonka diyaaradaha Al-Bateen loo dhigay Rooga cas, halka calanka Somaliland la barbar suray dhan Imaaraadka.

Wasiirka Cadaaladda Imaaraadka Suldaan Saciid Al-Badi ayaa soo dhaweeyay wafdiga Muuse Biixi ee tagay dalka Imaaraadka.

Muuse Biixi iyo wafdigiisa oo booqasho saddex cisho ah ku joogi doona dalka Imaaraadka ayaa kulamo la qaadan doona madax ka tirsan dalkaas iyo kuwa shirkadda WP World.

Waa markii labaad oo Muuse Biixi uu tago Imaaraadka tan iyo intii uu ahaa Madaxweynaha Somaliland, booqadii hore ayaa ahayd 13-dii March 2018.

Safarka Muuse Biixi ku tagay Imaaraadka, ayaa yimid markii dhawaan Somaliland iyo DP World soo kala dhex galay Khilaaf la xiriiray heshiiskii dekedda Berbera, oo Muuse Biixi uusan hayn nuqulkii tooska ahaa ee heshiiskaas.

Waxaa dhawaan arrintaas Abu Dubai u tagay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici, kaas oo codsaday in dibu eegis lagu sameeyo heshiiskaas oo sidii horey loo sheegay aan labada dhinac midna fulin, balse DP World ayaa ku adkeysatay in waxba laga bedelin.

Dhanka kale Muuse Biixi ayaa dhawaan tagay dalka Itoobiya oo saami ku la hayd heshiiska dekedda Berbera, waxaana Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi isku soo afagarteen sida la sheegay heshiiskii dekedda Berbera ee shirkadda DP World.

Ugu dambeyn Muuse Biixi ayaa tagay Imaaraadka si loo dhameeyo khilaafka heshiiska dekedda Berbera ee horay u wada galeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya, waxayna soo dhaweyntii loo sameeyay ahay mid lagu sasabanayo.

PUNTLAND POST