Wararka is khilaafsan ee ku gadaaman kulankii Farmaajo iyo Kenyatta

Farmaajo iyo Kenyatta

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya kulan ay shalay Nairobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Inkastoo kulankii Farmaajo iyo Kenyatta aysan labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ka soo saarin war-murtiyeed wadajir ah, hadana waxaa baraha Facebook-ga iyo Twitter-ka madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) lagu daabacay qoraal looga hadlay kulankaas.

Qoraalka lagu faafiyay baraha bulshada ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal.

Dhanka kale dowladda Kenya ayaa ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin kulankii Kenyatta iyo Madaxweynaha Soomaaliya ku yeesheen xarunta madaxtooyada dalkaas, iyadoo labada dal u dhexaysay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay muranka badda.

Balse Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo garwadeen ka ahaa wada hadalka labada dhinac ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Farmaajo iyo Kenyatta ay si faahfaahsan uga hadleen arrimaha sababay khilaafka labadooda dal, isagoo intaas ku daray inay isku afgarteen qaadidda tallaabooyin ujeedkoodu yahay xal ka gaaridda wixii markii horaba la isku maan dhaafay oo ahayd muranka badda.


Sidoo kale illo wareedyo ka agdhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa PUNTLAND POST u xaqiijiyay in Farmaajo iyo Kenyatta ay kamid ahaayeen arrimihii ay ka wada hadleen arrinta khilaaf labada dal dhalisay ee muranka badda, balse ma aysan xaqiijin waxa ay kaga heshiiyeen.

Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa iyana ka hadlay arrintan, xisbiga uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdisharuur ee Wadajir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay si ula kac ah u mari habaabisay shacabka Soomaaliyeed, maadaama aysan suuragal ahayn in Kenya iyo Soomaaliya ka wada hadlaan arrimo aan khilaaf ka jirin, kana gaabsadaan arrintii khilaafka dhalisay.

Kenya ayaa 16 February 2019 ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay si tix-gelin la’aan ah ay u beecisay xuduud badeedda ay la leedahay, si looga baaro shidaal, waxayna u yeeratay safiirkeedii Muqdisho, halka kii Soomaaliya ee Nairobi ku sugnaana amartay in dalkiisa ku laabto inta laga xalinayo khilaafka labada dal.

Balse Soomaaliya ayaa maalin kadib si asluubaysan ugu jawaabtay Kenya, iyadoo sheegtay in guud ahaan dhulka hadda shidaalkiisa la beec geeyay yahay mid si sax ah u leedahay Soomaaliya, sidoo kale ay qorshaha ugu jirin dhul kamid ah xadka lagu muransanyahay, ilaa inta ay go’aan ka gaarayso maxkamadda cadaaladda.

Kenya ayaa doonaysay in muranka badda lagu dhameeyo wada hadal dhexmara labada dal, halka Soomaaliya rabtay go’aanka maxkamadda cadaaladda, balse lama yaqaan waxaa iska badeli doona kulankii labada hogaamiye kadib.

PUNTLAND POST