Soomaaliya oo Qaramada Midoobay u gudbisay Warqad ay kaga cabanayso Dowladda Kenya

Muqdisho (PP) ─ Ergada dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhida QM, ayaa qoraal ashtako ah u gudbisay Golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay kaasoo ay ku beeniyeen sheegashada dowladda Kenya ay sheeganayso inay Soomaaliya xaraasheyso badda ay labada dowladood ku muransan yihiin u gudbisay.

Qoraalka ay ergada u gudbisay Soomaaliya ayaa ku taariikheysnayd 05-ta bishan Maarso oo ku beegneyd maalintii uu Madaxweyne Farmaajo Addis Ababa ku tagay safarka uu uga sii gudbay dalka Kenya oo uuu wada-hadallo gaar ah kula yeeshay madaxweyanha Kenya, Uhuru Kenyatta.

“Marna dowladda Soomaaliya kama suurowdo inay iibiso ama xaraashto dhul-badeed aysan lahayn, waxayna dowladda Soomaaliya sugeysaa natiijada kasoo baxda dacwada hor-taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, taasoo lagu wado inay go’aan ka gaarto sanadka soo socda ee 2020-ka,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa waxaa taalla dacwad ay gudbisay dowladda Soomaaliya kaasoo ay ku diidan tahay badda ay Kenya sheeganayso taasoo wax heshiis ah ay ka gaari waayeen labada dowladood.

Sidoo kale, Qoraalkan ayaa ergadu waxay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya ay u xaqiijisay dowladda Kenya 25-kii Feb, 2019-ka in Xukuumadda Soomaaliya aysan iib-geyn ama xaraashin dhul-badeedka ay dacwaddiisu taallo ICJ ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dhanka kale, Inkstoo dowladda Soomaaliya ay qoraalkan u gudbiyay Guddiga Joogtada ah ee QM, ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in Farmaajo uu aqbalay in wada-hadal laga galo khilaafka badda ee u dhexeeya labada dal.

Ugu dambeyn, dowalddii Xasan Sheekh Maxamuud oo dacwadda badda u gusbisay maxkamadda ICJ, ayaa horay u diidday inaanay doonayn inay la gasho wadahadallo lagu xalliyo muranka dowladda Kenya.

PUNTLAND POST