FAAHFAAHIN: Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo Mas’uuliyaddiisa sheegatay

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan, kaddib qarax gaari oo maanta ka dhacay meel ku dhaw mid ka mid ah koontaroollada laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobjoogayaal iyo saraakiil amni ayaa laga soo xigtay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jireen shacab iyo ciidammo, waxaana gaariga qarxay la dhigay meel dibadda ka ah maqaayad ku taalla meel ku dhaw Tiyaatartkii Muqdisho.

“Shan qof ayaa dhintay, sagaal kalena way dhaawacmeen, khasaare culus ayaana ka dhalatay qaraxa,” ayuu yiri milkiilaha maqaayadda uu horteeda ka dhacay Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay inta badan gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Maamulka Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ka shaqeeya ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyada sagaal qof oo qaarkood ay xaaladoodu aad u daran tahay, sidoo kalena ay qaadeen maydadka dhawr qof oo ka mid ah dadkii ay ku naf-waayay qaraxan.

Kooxda Al-shabaab ayaa war ay baahisay ku sheegtay inay weerarkaan ka ahayd mas’uuul, iyagoo sheegay inay lix sarkaal oo ciidamada dowladda ku dileen weerarkaan, kuwo kalena ay dhaawacyo ugu geysteen.

Dadkii ka badbaaday weerarkan ayaa sheegay in gaariga qarxay goobta la soo dhigay, isla markaana ruuxii waday aan la ogeyn halka uu aaday, ayna mar qura xaaladdu isbedeshay markii uu qaraxu dhacay.

Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Toddobaadkii hore ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho Qarax gaari iyo weerar toos ah oo ay la beegsatay Hoteello ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama, kuwasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 30-qof ayna ku dhaawacmeen 140-qof oo kale.

PUNTLAND POST