Real Madrid oo jab kala kulantay koobka kooxaha Yurub

Dabaal-degii Ajax

Kooxda Real Madrid oo saddexdii sano ee u dambeysay difaacanaysay koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga ayaa caawa si fool xun uga hartay.

Real Madridrid oo garoonkeeda Santiago Bernabeu lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League-ga kula ciyaaraysay kooxda reer Holland ee Ajax ayaa la kulantay guuldaro fadeexad ah, kadib markii 4-1 loogu a wood sheegtay.

Kooxda Ajax oo marti ahayd ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u soo jiitay indhaha mucaashaqiinta kubbada cagta adduunka, halka taageerayaasha Real Madrid ay ka soo hartay dhabano qabsi iyo jahwareer.

Goolasha afarta ah ee Ajax ay ku gaartay guusha taariikhiga ah waxaa mid hal gool u kala dhaliyay daqiidaqii 7-aad Hakim Ziyech, daqiiqadii 18-aad David Neres, daqiiqadii 62-aad Dusan Tadic iyo daqiiqadii 72-aad Schöne Lasse, halka Real Madrid uu gobolka qura u dhaliyay daqiiqadii 70-aad Marco Asensio.

Ajax ayaa wadarta goolasha labada kulan ku badisay 5-3, maadaama kulankii hore Real Madrid ku soo badisay 2-1, sidaasna waxay ugu gudubtay wareega siddeed dhammaadka tartanka Champions League-ga, halka Real Madrid oo sagaalkii sano ee dambeeyay tartankan soo gaaraysay siddeed dhammaadka ay maca salaamaysay.

Murugadii Real Madrid

Real Madrid ayaa lix maalmood gudahood ku maca salaamaysay saddexdii tartan ee ay ku jiray, 27 February iyo 2 March waxay guuldarooyin kala kulantay Barcelona kulamadii Copa Del Rey iyo La Liga, halka caawa ay musiibo kala kulantay Ajax.

Sabab Real Madrid ay xili xiyaareedkan u wajahayso guuldarooyinka ayaa la aaminsan yahay in ay tahay ka tagi taankii tababarihii hore ee taariikhda dhigay Zinedine Zidane iyo Cristiano Ronaldo oo ahaa ciyaartoy aad looga cabsado.

Dhinaca kale kooxda reer Ingiriis ee Tottenham ayaa u soo gudubtay wareega ee siddeed dhamaadka tartanka Champions League-ga, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay kooxda reer Jarmal ee Dortmund kulankii lugtii labaad, waxayna wadarta labada kulan noqdeen 4-0.

Harry Kane ayaa daqiiqadii 49-aad u dhaliyay goolka kooxdiisa Tottenham.

PUNTLAND POST