Maxay ahayd haweenaydii ninkeedu ku dilay Mareykanka?

Marxuumad Muna

Magaalada San Diego ee gobolka California dalka Mareykanka waxaa Axadii la soo dhaafay lagu dilay gabadh lagu magcaabo Maymuun Salaad Maxamed oo ka soo jeeday Puntland.

Marxuumad Maymuun ayaa Isniintii meydkeeda laga helay gurigii ay daganayd, waxaana sida ay sheegeen ehelada gabadha dilka ka dambeeyay ninkii qabay oo lagu macaabo Cabdicasiis Keerow.

Ninka dilka lagu tuhmay

Cabdicasiis Keerow ayaa ilaa iyo hadda la la’yahay, waxaana la aaminsan yahay in uu ka baxay dalka Mareykanka, waxaana wali socda baaritaan ay wadaan Booliska magaalada San Diego ee gobolka California.

Marxuumadda oo da’deedu ahayd 36 jir ayaa ka shaqeyn jirtay goob lagu xanaaneeyo caruurta, waxaana la sheegay in  ninka lagu tuhun san yahay in uu dilay ay dhawaan isguur sadeen.

Dalka Mareykanka waxaa  ku nool Soomaali aad u badan oo ka cararay colaadihii sokeeye ee dalkooda.

PUNTLAND POST